Jugta qarax xoogan ayaa Goordhow laga maqlay Xaafado badan oo ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay Ex- Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa, wuxuuna uu sigaar ah uga dhacay Isgoyska Ex- Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.
Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa laga arkayay uuro Madow oo cirka isku shareertay, weli lama oga Khasaaraha uu geystay qaraxaas ka dhacay Muqdisho.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxu ka dhacay, iyagoo halkaas xiray.