Wararka Caawa aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow halkaas uu ka dhacay Qarax xoogan.
Jugta qaraxa ayaa siweyn looga maqlay inta badan xaafadaha Gaalkacyo dhinaca Galmudug, waxaana la sheegayaa in qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu weeraray hotel ku yaalla halkaas.
Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa kadib ay maqlayeen rasaas xoogan oo ay rideen ciidamo ka tirsan kuwa amniga Gaalkacyo.
Wararka ayaa intaas ku sii daraya in qaraxaas uu ka badbaaday Taliyaha Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga dalka cabdicasiis Cabdullaahi Qooje.
Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay qaraxaas Caawa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.