Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow halkaas uu ka dhacay qarax xoogan.
Jugta qaraxa ayaa waxaa laga maqlay inta badan Xaafadaha Baladweyne,kaasi oo la sheegay in lagu weeraray Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin Xaafadda howlwadaag ee Baladweyne.
Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,in kastoo aan si dhab ah loo cadeyn maadama xili habeen ay tahay.
Qaraxa kadib ayaa waxaa la maqlay rasaas xoogan,taasi oo ay rideen Ciidanka dowladda ee ku sugnaa Saldhiga weerarka lagu qaaday.
Ilaa iyo hada lama Og khasaaraha ka dhashay qaraxaas Caawa ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.