Wararka naga soo gaaraya Degmada Buulo Burde ee Gobolka hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in qarax khasaaro geystay uu ka dhacay degmadaas.
Qaraxaan ayaa lagu soo waramayaa in uu ahaa mid lagu aasay Garoonka diyaaradaha degmada Buulo Burde,waxana Goobjoogayaal ay sheegeen in uu ku geeriyooday mid ka mid ah ciidamada AMISOM halka 2 ka mid ah askarta dowladda uu ay ku dhaawacmeen.
Garoonka Diyaaradaha Buulo Burde ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Jabuuti oo ka mid ah AMISOM,waxaana haatan la soo sheegayaa in Ciidamadii ku dhaawacmay qaraxaas la geeyay isbitaal ku yaalla Gudaha degmada Buulo Burde.
Xiriir ayaan la sameeynay Maamulka degmada si aan wax uga weeydiino qaraxaas balse gduooomiyaha ayaa sheegay in saacadaha soo socda uu nala hadli doono.
Wxii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com