Qarax xooggan oo jugtiisa laga maqlay  qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolkani Banaadir ayaa hadda waxaa uu ka dhacay Degmada Hodan.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa, waxaana la sheegay in Qaraxasi lala eegtay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha oo sida la sheegay marayay Goobta uu Qaraxu ka dhacay.
Qaraxa ayaa si gaar ah waxaa uu uga dhacay aga-gaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim, waxaana jira khasaare ka dhashay Qaraxaasi.
Goobjoogayaal ayaa soo sheegaya in jugta qaraxa oo ahayd mid xooggan uu jiro khasaare ka dhashay, balse ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay Qaraxaasi la sheegay in lala eegtay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha.
Laamaha ammaanka ayaa goobta soo gaaray, waxaana istaagay isku socodka guud ee aagga uu qaraxu ka dhacay, waxaana socda howlgallo lagu baadi goobayo dadkii qaraxasi ka dambeeyay.
Qaraxyada noocaan ah ayaa ka dhaca Magaalada Muqdisho, waxaana inta badan lala eegtaa mas.uuliyiin iyo Ciidanka Dowladda, iyadoo dad shacab ay ay ku baa’aan qaraxyada inta badan ka dhaca Muqdisho.