Wararka inaga soo gaaraya Magaaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa ku warramaya in Goordhaweyd uu halkaasi ka dhacay Qaraxa dad badan ay ku dhinteen, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo qaraxaasi ku aaddan.
Wararku waxaa ay sheegayaan in Qaraxa oo ahaa ismiidaamin ay ku dhinteen Saraakiil iyo qaar ka mid ah ilaalada Ra’iisul wasaare Rooble.
Wali ma jirto wax faah faahin ah oo laga helayo, balse wixii kusoo kordha halkaan kala soco.