War goor dhow inaga soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in qarax sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay bartamaha magaaladaasi.
Qaraxaasi ayaa ahaa mid ismiidaamin ah kaas oo ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray uu isku qarxiyay maqaayad lagu magacaabo Barwaaqo oo ku taala bartamaha magaaladaasi.
Goobtaasi ayaa waxaa ku sugnaa dad badan oo shacab ah, lamina xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah oo qaraxaasi geystay.
Goobta waxaa soo gaarey mas’uuliyiin iyo saraakiil,ammaanka ayaa isweyn loo adkeeyey waxaana dadkii dhaawacmay loola cararay isbitalka magaaladaasi