Goordhow ayaa waxaa jug culus laga maqlay qeybo ka mid ah Magaalada muqdisho,iyada oo dadka qaarkood ay sheegeen in uu ahaa qarax.
Qarax ayaa la sheegaya in uu ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho gaar ahaan Agagaarka Isgoyska dabka, meel aan ka fogeyn Carwa Al-kowther,islamarkaana uu ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya ay qaraxaasi fashiliyeen islamarkaana,markii ay ogaadeen Gaariga qaraxa siday ay hakiyeen isu socodka dadka iyo Gaadiidka.
Sidoo kale Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa waxa ay sheegeen in qaraxasi ay ciidamadu fashiliyeen islamarkaana uusan geysan wax khasaaro ah marka laga reebo burburka goobo Ganacsi.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com