War Goordhow soo gaaray Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa u sheegayaa in Qarax uu ka dhacay isgoyska Dabka ee Muqdisho.
Qaraxaasi oo ahaa mid dhawaqiisa si weyn looga maqlay qeybo kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka soo baxaya Warar kala duwan.
Ilaa iyo hada si rasmi ah looga Oga nooca uu ahaa qaraxa,hayeeshee mar qura ayaa waxaa Magaalada oo dhan laga maqlay jugtiisa,waxaana halkaasi si deg deg ah u gaaray Ciidamo Boolis ah
Waa qaraxii labaad ee Maanta ka dhacay gudaha Magaalaa Muqdisho.