Jugta qarax xoogan ayaa daqiiqado kahor oo Caawa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay agagaarka Isgoyska KM-4 ee wadada maka Al-mukarama.
Qaraxaas ayaa waxaa la sheegayaa inuu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah, waxaana uu sigaar ah uga dhacay wadada aadan dhinaca Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Dad ku sugnaa meel ku dhow Isgoyska KM-4Â ayaa Idaacadda Dalsan u sheegay in qaraxa kadib ay maqleen dhawaqa rasaas xoogan oo fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Dowladda oo ku sugnaa Koontarool ku taalla halkaas.
Sidoo kale Ciidamada ayaa gebi ahaan xiray aaga uu qaraxu ka dhacay, waxaana la sheegayaa inuu jiro Khasaaro, hayeeshee aan si rasmi ah loo ogeyn, maadaama daqiiqado kahor uu qaraxu ka dhacay.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxa miinada ahaa lala eegtay gaari uu la socday Mas’uul ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, xili uu wadada marayay, waxaana warar hordhac ah sheegaayan inuu ka badbaaday qaraxaas.