Qaraxaan gaari oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxa uu goordhow ka dhacay agagaarka taalada Daljirka daahsoon ee degmada Boondheere Gobolkaan Banaadir.
Gaari nooca Raaxada ah ee somaalida u taqaano Viller ayaa ku qarxay agagaarka taalada Boondheere,waxana la sheegay in uu ahaa mid gaariga qarxay lagu xirey.
Darawalkii gaariga wadey ayaa geeriyooday,kaas oo qeybta dambe ee jirkiisa uu qaraxa ka haleelay halka laba qof kale oo midi haweeney tahay,isla markaana gaariga la saarnaa ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kale waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay Gabar yar oo ku sugneed Maqaaxi ku taalla agagaarka Goobta gaariga uu ku qarxay ee taalada Daljirka Daahsoon.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Shacab farabadan ayaa soo gaarey goobta uu qaraxa ka dhacay,welina macada waxa ay ahaayeen dadka agariga qaraxa loogu xirey.
Wixii kusoo kordha kala socda Radiodalsan.com