Qaraxaan ayaa jugtiisa waxaa laga maqlay  inta badan degmooyinka Gobolkaan Banaadir waxaana lagu soo waramayaa in uu ka dhacay degmada waaberi ee Gobolkaan Banaadir.
Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa goordhow lagu dhuftay Afaafka Hore ee Saldhiga degmada Waaberi ee Goblkaan Banaadir.
Weli macada khasaaraha ka dhashay qaraxaas,iyadoo Wadada Maka Al-Mukarama oo uu ku yaallo Saldhiga Waaberi ay ciidamada Dowladda Xireen.
Dhismayaal dhowr ah oo Carwooyin u badan ayaa ku agyaalla Saldhiga Waaberi,waxaana la sheegayaa in qaraxaas uu ka dhashay Dab.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com