Wararka naga soo gaaraya Magalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in maanta Maxkamada Darajada 1aad ee Puntland siideysay Kaluumeysatadaas.
Kaluumeysatada lasiidaayey oo u dhashay dalka Iiraan ayaa waxa ay gaarayaan ilaa 17 Â kuwaas oo mudo 8 bilood ah xirnaa kadib markii Puntland ay xukun isugu jira lacag iyo Xabsi ku ridday.
Maxaabiista Kaluumeysatada ah ee u dhashay dalka Iiraan maantana lasiidaayey ayaa waxaa laga qabtay Xeebaha Maamulka Puntland.
Goordhow wixii kusoo kordha kala socda Radiodalsan.com