War goordhow soo gaaray Warqabadaka Radio Dalsan Muqdisho ayaa goordhow waxa uu sheegayaa in qeybo ka mid ah degmada Warta-Nbada lagu dilay Nin Oday ah oo ka mid ah dadka deegaanka.
Dilka ayaa ka dhacay Xaafada lagu magacaabo Xamar Bile meel aan ka fogeen Saldhiga degmada Warta-Nabada,waxana la sheegay in Ninka Odayga ah isagoo goob Maqaaxi ah oo Shaaxa laga cabo fadhiya lagu dilay.
Ninka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Siciid Kaarshe,Macada waxa uu qaban jiray ninkaas iyo cida ka dambeysa dilkiisa balse,dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegayaan in qofkii ka dambeeyay dilka Odayga uu goobta isaga baxsaday.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com