Maamulka Somaliland ayaa xabsiga ka sii daayay Naciimo Abwaan Qorane oo ah gabar dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay arrimo la xiriira qaran dumis.
Somaliland ayaa xukun saddex sano oo xabsi ah ku riday, kadib markii la horgeeyay maxkamadda Magaalada Hargaysa ee Gobolka la yiraahdo Maroodijeex.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Maalma kahor la kulmay Aabaha Naciimo ee Abwaan Qorane ayaa cafis madaxweyne ku sii daayay Naciimo Abwaan Qorane oo ku xirnayd xabsi ku yaalla Magaalada Gabiley.
Naciimo ayaa lagu soo waramayaa in saaka xabsiga dibadda looga soo saaray, xilli ay ku dhex xanuunsatay xabsiga sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah eheladeeda.
Naciimo Abwaan Qorane oo Baraha Bulshada dadka isticmaala ay si wayn u garanayaan ayaa durba la soo dhaweeyay in xuriyadeeda dib loo siiyo,waxana la xiray xilli ay ka tagtay Magalada Muqdisho,isla markaana ay ka qeyb gashay barnaamij ay qabaneysay warbaahinta TEDx.