Caawa fiidkii ayaa waxaa Ciidamada Amniga Xabsiga dhigeyn Cali Mire Ducaale oo dhawaan Jubbaland ka soo celisay Garoonka Diyaaradaha Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Cali Mire Ducaaale ayaa xilligii laga soo celinayey Kismaayo waxa uu watay Warqado uu ku sheegayey in dowladda Soomaaliya ay taliye ugu Magacaawday Nabadsugida Jubbaland,waxana la socday nin kale oo ku xigeen u ahaa.
Nabadsugida Soomaaliya ayaa War ay ka soo saartay xariga waxa ay ku sheegtay in Cali Mire Ducaale uu Kismaayo la tegay Warqado been abuur ah oo uu ku sheegayay in dowladda Soomaaliya u Magacaawday Jubbaland.
Dhinaca Wareysi uu siiyey Radio Dalsan dhawaan ayaa waxa uu ku sheegay in Jubbaland Kismaayo kaliya aheyn,isla markaana deegaanada kale uu ka Shaqa bilaabi doono.