Waxaa goor dhow suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho lagu toogatay nabadoon Magaciisa lagu soo koobay Tanaas, kaasi oo ay kooxa Hubeysan waxyar ka hor ay ku Dileen  Bakaaro.
Goob-joogayaal ayaa Radio Dalsan u sheegay in kooxo Bastoolado ku hubeysan ay  ku Dileen nabadoonkaas aga-gaarka Masjidka Cali-dheere ee gudaha suuqa Bakaaraha, waxaana la sheegay in kooxihii Dilka ka danbeeyey ay baxsadeen.
Majirto cid ka hadashay dilkaas oo waxyar ka hor ka dhacay suuqa Bakaaraha ee Muqdisho loogu geestay nabadoon Tanaas ,iyadoo kooxihii Dilayna ay Goobta ka baxsadeen.