Kooxo hubeysan ayaa Caawa deegaanka sarkuusta ee duleedka Magaalada Muqdisho mid ka mid ah Eergadii xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya soo doortay
Ninka la dilay ayaa waxaa Mgaciisa ay Goobjoogayaal ku sheegeen Cabdi Nuunoow Aadan, waxana la sheegay in Kooxda dishay ay wadada u galeen xili uu ka tegay Muqdisho iyaga oo markii uu geeriyooday kadib Gaarigii uu watay ay ka qaateen.
Sidoo kle Goobjoogayasha ayaa waxa ay sheegeen in Kooxda wax dishay ay wteen Hubka fudud sida Qoryaha AK47 isla markaana Gaarigiisii ay la baxsadeen isaga oo ka mid ahaa Ergadii wax ku dooratay Magaalada Baydhabo.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowldda oo goobta gaaray ayaa mudo Daqiiqado ah xiray Wadada xiriirisa Muqdisho Afgooye wallow markii dambe ay fureen.
Goordhow la socda Warkaas oo dhameystiran