Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Sayid Cali Macalin Daa’uud oo Xaaskiisa oo Xaamilo ahayd Nolosha ku gubay.
Go’aanka Maxkamdda oo si weyn loo sugaayay ayaa waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda, waxaana uu sheegay in Maxkamaddu ay heshay caddeymo ku filan.
Sayid Cali ayaa horay u gubay Xaaskiisa, waxaana wali ferenjiyeer ku jira Meydkii Marxuumadda, oo ilaa iyo hadda lama aasin.