War Goordhow soo gaaray Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegayaa in Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Hiiraan ay Doon kula degtay Fatahaada ka dhalatay Biyaha Wabiga Shabeelle.
Doonta degtay ayaa waxaa la sheegayaa inay la socdeen Mas’uuliyiin ay kamid ah yihiin Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdifitaax Afrax iyo Duqa Degmada Baladweyne Safiyo Xasan Cali Jimcaale.
Sidoo kale doonta ayaa waxaa Mas’uuliyiintaas la saarnaa dad ku dhow 10 ruux oo shacab ahaa, kuwaasi oo doonta ay kula gadoontay xili ay marayeen Bartamaha Biyaha Wabiga Shabeelle, iyagoona kusii jeeday deegaanka Ceel-Jaale eek u yaalla duleedka Baladweyne.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Duqa Magaalada Baladweyne Safiyo Xasan Cali Jimcaale iyo Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cabdifitaax Afrax laga soo badbaaday Biyaha , isla markaana waxaa weli Biyaha lagu la’yahay dadkii shacabka ahaa ee Doonta la socday.
Magaalada Baladweyne ayaa waxaa saaweyn ku yeeshay Fatahaada uu sameeyay Webiga Shabeelle oo biyo badan dhigay Xaafadaha ay kooban tahay Magaalada, iyadoona dadkii halkaas ku noolaa ay ka barakaceen.