Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow halkaas lagu dilay Guddoomiyihii hore ee degmada Qandala ee Puntland.
Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen inay toogteen Guddoomiyihii hore ee Qandala xili uu soo baxay hotel ku dhow Xarumo dowladeed oo ku yaalla Magaalada Boosaaso.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Firin Maxamed Khuurshe, waxaana goobta uu falka ka dhacay tegay Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Boosaaso, iyagoona halkaas ka soo qaaday Meydka.
Ragii hubeysnaa ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana Ciidanka amniga ay wadaan baaritaano kala duwan oo ku raadinayan ragii dilkaas ka dambeeyay.
Amniga Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya, isla markaana ay kusoo badanayan dilalka qosrheysan, iyadoona ay xusid mudan tahay in xalay Waddooyin ku yaalla halkaas laga soo saaray qaraxyo miino ah.