Alan Gareesiya ayaa la sheegay inuu is-dilay Waaberigii hore ee saakayto, xilli ay Boliska tageen Hoygiisa oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Liima, si ay u soo xiraan.
Ilo Boliska ayaa sheegay in Madaxweynihii hore lala xiriirinayo inuu ku lug lahaa baaritaan Laaluush ahaa.
Alan Gareesiya oo 69-jir ah ayaa la sheegay in dhawaac ahaan loo geeyo Isbitaalka Kasimiro Ullo, bale uu geeriyootay intii ay Dhakhaatiirta ku hawlanaayeen badbaadintiisa.
Madaxweynaha is-dilay oo Talada dalka Peru hayey sannadihii 2006-dii ilaa 2011-kii waxa ku socday baaritaan ku aadan inuu Laaluush ka qaatay Shirka dhinaca Dhismaha oo laaga leeyahay dalka Brazil, balse waa uu beeniyey inuu ku lahaa Fadeexadaasi.
Sannadkii hore, Alan Gareesiya waxa uu magangelyo weydiistay dalka Ururguwaay, balse waa lagu gacan sayray Codsigiisa Magangelyo-doonka ahaa.