Waxgaradka Beelaha ka soo jeeda Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa wax ay soo saareen War-Saxaafadeed ay ku sheegeen in ay Cadaado uga mamnuuceen in uu soo galo Madaxweynaha iyo madaxda kale ee Galmudug.
Warsaxaafadeedka ayaa wax ay ku sheegeen in wax dhaqdhaqaaq Siyaasadeed ah aan laga sameyn Karin Cadaado iyo deegaanada hoostaga.
Sidoo kale wax ay sheegen in ay iyagu ismaamulayaan ilaa inta khilaafka jira iyo tabashadooda laga xalinaayo.
Qodobada ay soo saareen ayaa waxaa ka mid ahaa in Madaxweyne Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan aysan u aqoonsaneyn Madaxda Galmudug.
Dhinaca kale Madaxtooyada Galmudug ayaa sidoo kale Goordhow ka jawaabay hadalka ka soo baxay Waxgaradka Galmudug.
Hoos Ka Dhageyso Codka kana Akhriso Warsaxaafadeedka.
Qaasim Maxamuud oo ka mid ah Waxgaradka Cadaado ayaa Akhriyay War-Saxaafadeedka.
Audio Player