Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxmed Cabdullahi Farmaajo ayaa hadda kulan la leh saraakiisha hay’adaha Ammaanka, kaasi oo ku saabsan Amniga guud ee Dalka.
Kulanka oo ka soconaya xarunta Aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ah dhamaan saraakiisha laamaha Ammaanka ee Dowladda Federaalak ah ee Soomaaliya,
Ujeedada  kulanka ayaa ah sidii loo xoojin lahaa sugidda ammaanka guud ee dalka gaar ahaan caasimadda, iyo sidii ay u wadashaqeyn lahaayeen dhamaan laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com