Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan ayaa goor dhow ku dhawaaqay Doorasho Degdeg ah oo xilligeeda laga soo hormariyey in la qaban doono 24-ka bisha June ee soo socota.
Erdogan ayaa hadalkaasi ku sheegay War uu ka soo saaray Qasriga Madaxtooyadda Turkiga, kadib, markii uu kulan la yeeshay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Xarakutul-qowmiyah (Nationalist Movement), Duluhu Bechili.
Hoggaamiyaha Mucaaradka waxa uu shalay Hindise ahaan u soo jeediyey in la soo dedejiyo qabashadda Doorashadaasi, oo horey loo qorsheeyey in la qabto dhamaadka sannadka soo socda ee 2019-ka.