Waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha Jabaauti ka dagay wafdi uu hogaaminaayo  madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame,waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle.
Booqasho laba maalmood qaadan doonta ayaa madaxweyne Paul Kagame waxaa uu ku tagay Jabuuti, waxaana ku wehlinaya marwadiisa koowaad, waxaana Inta uu joogo Jabuuti kulamo uu la qaadan doonaa madaxda wadanka Jabuuti, oo uu kala hadli doona arrimaha labada dal Jabuuti iyo Rwanda iyo kuwa quseeya qaarada Africa.