Waxaa hadda kulan uga socdaa Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo shalay soo gaaray Muqdisho.
Kulankaan ayaa ahaa mid quraac ah isla markaana haatan Wararka aan ka heleyno Madaxtooyada ay sheegayaan in uu gabagabo ku dhawyahay.
Majiraan waxyaabo ay sigaar ah uga hadleen,in kastoo faah faahinta goordhow laga sugayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa oo Goobjoog ka ah kulanka.
Diyaar garoow ayay ugu jiraan Madaxda Qaranka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada  shir dhaxeeya oo Maanta ka furmaya Muqdisho.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com