Ugu yaraan Afar Askarta Dowladda ka tirsan ayaa ku geeriyootay Weerar gaadmo ah oo Ciidamo maleeshiyo ah ay la eegteen Kolonyo uu la socday Abaanduulaha Ciidamadda Dowladda Soomaaliya GeneraalCabdirisaq Khalif Celmi.
Weerarka ayaa kolonyada ku qabsaday Tuuladda Muuri Ee Deegaanka Nambar Kontan Ee Gobolka Shabeeladda Hoose.
Ciidamada Abaanduulaha ayaa u socday Hub ka dhigis ay doonayeen iney ku sameeyaan Kooxo Maleeshiyo ah oo ku hubeysan Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeeladda Hoose.
Qof goob jooge ahaa Ayaa Radio Dalsan u sheegay in imminka ay xaaladda degan tahay.