Wararka nagasoo gaaraya degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow degmadaas lagu dilay Kaaliyihii Maxkamada Degmada Walaweyn.
Dilka Kaaliyaha ayaa waxaa Dalsan u xaqiijiyay Gudoomiye ku xigeenka degmadaas,waxaana la sheegay in gurigiisa hortiisa ay Kooxo hubeysan ku dileen Kaaliyaha oo lagu Magacaabi jiray Maxamed jacfar Axmed.
Kooxdii ka dambeysay dilka Kaaliyaha ayaa Goobta ka baxsatay,waxana hadda socda baaritaano ay sameynayaan ciidamada booliiska degmada Walaweyn.
Faah fahinta goordhow kala socda Radiodalsan.com