Israsaaseyntaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxa ay ka dhacday afaafka hore ee Xabsiga Godka Jilacoow ee degmada Boondheere,waxa ayna u dhaxeysy Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in  aydhaxmartay  Ciidamo isugu jira Milateri iyo Nabadsugid gaar ahaan kuwa ilaalada ka ah Xabsiga Godka Jilacoow,waxana la sheegay in hal Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Milateriga uu halkaasi ku dhaawacmay.
Sababta is rasaaseynta ayaa lagu sheegay in ciidamo Milateri ah oo watay Gaari ay doonayeen in ay maraan Wadada hormarta Xabsiga Godka Jilacow balse ay ilaalada ka diideen taas oo keentay in ay is rasaaseeyaan.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Milateriga ah la doonayey in hubka laga dhigo balse ay diideen sidaasina ay is rasaaseynta ku timid.
Xaalada ayaa haatan ah mid degan,waxana goobta soo gaarey Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda kuwaas oo xaliyey khilaafkii meesha ka dhashay.
Wixii ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com