Wararka aan ka heleyno Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Caawa Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen degmadaas,iyadoo ay sababtay madaafiicdaasi Khasaaro kala duwan.
Waxaa la sheegay madaafiicda qaar in ay ku dhaceyn  meel ku dhow Saldhig Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Xaafada Xaawo Taako ee Degmada Balcad ,waxaana Ciidamada AMISOM ay ku jawaaben tiro madaafiic ah oo aan la ogeyn Khasaaraha ka dhashay maadaamada ay tahay xili habeen ah.
Dadka Deegaanka Degmada Balcad oo hadlay Dalsan ayaa waxa ay sheegeen in Caawa Degmada laga maqlay dhawaqa madaafiic iyo rasaas daba socotay,waxaana ay sheegeen in cabsi ay Caawa ka jirto Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmi ah ee ka dhashay madaafiicda caawa Al Shabaab la sheegay in ay ku weerareen saldhig Ciidanka AMISOM ku leeyihiin Degmada Balcad.
Wararka ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com.