Wararka aan ka heleyno deegaanka Xawaadley oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in deegaankaas uu qof haweeney ah Askari ka tirsan Ciidanka dowladda uu ku dilay.
Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib markii Askariga wax dilay iyo qof kale ay wada murmeen taas oo keentay in Askarigii uu rasaas furay ayna haweeneydaas ku geeriyootay sida ay Dalsan dadka deegaanka u sheegeen dadka deeganka.
Xaalada ayaa haatan ah mid kacsan isla markaana Askarigii rasaasta furay uu Goobta ka baxsaday balse la sheegay in baadi goob lgu hayo.
Sidoo kale Gudoomiyaha Maamulka deegaanka Xawaadley ayaa Dalsan u sheegay in warkaas uu jiro balse faah faahin ay ka bixin doonaan.
Goordhow la socda Warkaas oo faah faahsan