Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar cismaan Yariisow ayaa Wareegto uu soo saaray waxa uu amray in la joojiyo dhismo ka socda Dhul ka soo horjeeda Dekada Muqdisho ee degmada  Xamar Jajab.
Wareegtada ayaa waxaa lagu amray Maamulka degmada Xamar Jajab iyo Hay’adaha Amniga in ay joojiyaan dhismaha ku socda dhulkaas.
“Waxaa la farayaa maamulka degmada Xamar-Jajab iyo Hay’addaha amniga in ay joojiyaan dhismaha ka socda dhulka danta guud ee ka soo horjeeda dekedda magaalada Muqdisho.â€
War ay Dalsan ay heshay ayaa waxa uu sheegayaa in Dhulkaas ay horay u bixiyeen Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle iyo Ku simaha taliyaha Ciidanka Booliiska ahna taliye ku xigeenka Ciidanka Janaraal Muqtaar Xuseen Afrax.
Dhulkaan ayaa waxaa Milkiyadiisa sheeganaya dad ka yimid Qurbaha ama Dibada,iyada oo horay ugu Gacan seyray Maamulkii hore ee Gobolka Banaadir in uu joojiyo dhismaha Dhulkaas.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdi Fitaax Cumar Xalane ayaa Warbaahinta u Akhriyay Wareegtada.