Waxaa goordhow qeybo ka mid ah degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir lagu dilay mid ka mid ah gudoomiye Waaxedyada degmadaas.
Gudoomiye Waaxeedka la dilay oo Haweeney ah ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray  Foos Maxamed Xuseen,waxana la sheegay in kooxda dishay ay gurigeeda ugu galeen.
Arrintaan ayaa ka dhacday agagaarka Buundada Koowaad ee degmadaasi Xamar Jajab sida Dalsan u sheegeen qaar ka mid ah dadka deriska lahaa Haweeneyda la dilay.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay dilka gudoomiye Waaxeedkaas,balse Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay dilal qorsheysan kuwaas oo badan kood ay sheegteen Al-Shabaab.
Wixii ku soo kordh kala socda radiodalsan.com