Gudoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa markii ugu horaysay xaqiijiyay in uu iska casilay xilka Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya.
Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in go,aankaa uu u qaatay si uu dalka uga badbaadiyo burbur,Gudoomiyu waxa uu sheegay in kulanka maalinta Arbacada ah ay yeelanayaan golaha Shacabka uu ka hor cadeyn doono iscasilaadiisa.
Barqanimadii maanta ayay ahayd markii Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha shacabka uu ka hor akhriyay qaar ka mid ah xildhibaanadii mooshinka ka gudbiyay Jawaari in uu iska casilay kulankii lagu madalsanaana uu baaqday.