Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa Goordhow waxa ay Xabsiga dhigeen  Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale iyo Xoghayaha Xisbiga Sayid Cali Macalin Cabdulle.
Raggaan ayaa laga soo qabtay iyaga oo ku sugnaa Hotelka Maka Almukarama ee Magaalada Muqdisho sida uu sheegay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.
Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo ka mid ah Madaxda Xisbigaas ayaa Bartiisa Facebook ku soo qoray in xarig Sharcidaro ah loo geystay hogaanka Xisbiga Wadajir oo uu isaga ka mid yahay.
Goordhow la socda faah faahinta.