War Goordhow soo gaaray Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegayaa in uu xilka iska Casilay Guddoomiyihii arrimaha Bulshada ee Gobolka Hiiraan.
Cabduqaadir Maxamed Arwaax oo ahaa Guddoomiyaha arrimaha Bulshada ee Hiiraan oo Shir Jaraa’id  daqiiqado kahor ku qabtay  gudaha Magaalada Baladweyne ayaa ku dhawaaqay inuu xilkaas iska Casilay.
Sababta uu isku casilay ayuu ku sheegtay inay tahay kadib markii isaga iyo maamulka Gobolka Hiiraan uu soo kala dhexgalay kala aragti duwanaasho,isla markaana uu Go’aansaday in uu shaqada isaga tago.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Gobolka Hiiraan oo ay uga hadlayaan is Casilaada Guddoomiyihii arrimaha Bulshada ee Gobolkaaas.