Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Goordhow Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ku doortay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka maamulkaas.
Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa u tartamay laba Musharax oo kala ah Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Ibraahin Goodir.
Xildhibaanada ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle u doortay inuu noqdo Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed oo helay codad gaaraya ilaa iyo 77 Cod, halka musharax la tartamay ee Goodir uu isla helay Codad gaaraya 21, waxaa xumaaday hal Cod.
Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay in Cabdixakin Luqmaan uu ku guuleystay Doorashada, isla markaana uu noqon doono Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hirshabeelle.
Goordhow ayaa la guda geli doonaa Doorashada Guddoomiye ku-xigeenka koowaad oo ay ku tartamayaan laba Musharax oo kala ah Mahad Hassan Osman iyo Marwo Canab Axmed Ciise oo horey u soo noqotay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Maamulkaas.