War Goordhow soo gaaray radio Dalsan ayaa waxa uu sheegayaa in Gaari looga shakiyay in ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa lagu Arkay agagaarka Isgoyska Siinaay.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Gaariga oo noociisu uu yahay Bas uu yaallo Isgoyska Siinaay Wadada soo aada dhinaca Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere.
Goobjoogayaasha ayaa waxa ay sheegeen Gaariga goobta la soo dhigay Galabta isla markaana ilaa iyo hadda la garan la’yahay cidda iskaleh,iyada oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada ay xireen Wadooyinka soo gala Isgoyska Siinaay.
Mararka qaar ayaa la sheegayaa in ciidamadu ay dadka Shacabka ah ee ku soo xoomay Goobta ay rasaas ku ridayaan si ay u kala eryaan.
Xaalada goobta ayaa kacsan,waxaana sidoo kale Goobta la filayaa in Daqiiqadaha nasoo aadan ee gaaran Ciidamada Miina-baarka si ay Gaarigaas baaritaan ugu sameeyaan.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com