Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa Gaari ay lahaayeen Gaancsato lagu gubay qeybo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaano hoostaga degmada Buulo Mareer.
Saraakiil ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay Dalsan u xaqiijiyeen in Gaargaas oo ahaa nooca Soomaalida u taqaano HOMEYDA,isla markaana ay lahaayeen ganacsato maalin walbana uu qaad geyn jiray degmada Buulo Mareer.
Guddoomiye ku xigeenka Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi fitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in gaariga xilli uu marayey deegaanka batarafiin oo u dhow deegaanka golweyn ay Qoriga loo yaqaano Baasuukaha ku dhufteen rag ka tirsan Al-Shabaab sidaasna uu gubtay,isla markaana ay ku geeriyooday 4 Ruux oo saarnaa gaariga.
Goordhdow la socda faah faahintii u dambeysay ee gaarigaasi la rasaaseeyey Caawa.