Wararka naga soo gaaraya Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hurwaa Gobolkaan Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya lagu weeraray halkaas,isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay.
Gaariga oo ah nooca Soomaalidu u taqaano NOHA ayaa dad goobjoogayaal ah waxa ay sheegayaan in lagu rasaaseeyey inta u dhaxeysa xaafada Suuqa Xoolaha iyo Isgoyska Sos,gaar ahaan halka loo yaqaano Dalcada Maalin Taajir.
Sidoo kale waxaa la sheegayaa in gaariga uu haatan gubanayo oo uu dab qabsaday kadib markii kooxo hubeysan oo aan weli la garan ay rasaaseyeen.
Xaalada goobta ayaa haatan ah mid kacsan,waxaana gebi ahaanba xiran Wadada gasha Xaafada suuqa Xoolaha ee degmada Hurwaa,kadib markii ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay goobta gaareen.
Wixii ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com