Doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Goordhow ku soo gaba gabowday Gudaha Magalada Muqdisho,kursigaas oo uu ka geeriyooday Allaha u Naxriistee  Xildhibaan Siciid Xasan Geedi.
Doorashadan ayaa 24 Bishaan xili ay socotay waxaa ka dhashay rabshado taas oo ay Gudiga doorashooyinka Madaxa banaan ay dib u dhigeen balse Maanta ugu dambeyn la qabtay.
Doorashada ayaa waxaa ku tartamay C/raxmaan Axmed Ceynaan oo Goobta doorashada ka maqnaa basle ay Gudiga fasaxeen in ay dhacdo doorashada iyo Faatax Saciid Xasan Geeddi oo uu dhalay Xildhibaankii ka geeriyooday kursigaan.
41 Ergo ayaa codeyneysay waxaana labada musharax ay Maanta codadkii u kala heleen Faatax Saciid Xasan Geeddi oo helay  32 Cod halka C/raxmaan Axmed Ceynaan uu helay 4 Cod   waxana halaabay 5 Cod
Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Madaxa banaan Xaliimo Yareey ayaa ku dhawaaqday natiijada iyada oo sheegtay in kursigii xildhibaanimo ee uu ka geeriyooday Saciid Xasan Geeddi doorashadiisa uu ku soo baxay Wiilkiisa oo lagu Magacaabo Fataax Saciid Xasan Geeddi.
Goordhow la socda Codadka iyo Sawirrada doorashada.