War goordhow soo gaaray warqabadka Radio Dalsan Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in dowaldda Mareykanka ay liiska waxa loogu yeero Argagaxisada ka saartay Sheekh Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur oo ka mid ahaa Hoggaamiyaasha Al-Shabaab.
Mareykanka ayaa horay Madaxiisa u dul dhigay lacag dhan (Shan Milyam oo Dollar) oo la siin doono cidii soo sheegta ama soo qabata Sheekh Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur.
Arintan ayaa waxay Wararku sheegayan in ay ka dambeysay wadahadalo u socday isaga iyo dowladda Soomaaliya ay jirto xoogaa isku soo dhawaasho islamarkaana wadahadalkaas uu miro dhalay.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsam.com