Wararka aan ka helayno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan aya ku warramaya in Caawa Magaaladaasi uu ka dhacay dil.
Xaafadda Howl-wadaag ee Magalada Baladweyne ayaa la sheegay in goordhaweyd lagu dilay Nabaddoon caan ah, waxaana dilka fuliyay sida dad goob joogayaal ah ay inoo Xaqiijiyeen dabley hubeysan.
Nabaddoonka ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Ibraahim Nuur (Xasan Tiyeegoow), dilak kadib Ciidanka amniga ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay waxeeyna wadaan howl-galo baaritaana ah si aay gacanta ugu dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka Nabadoonka.
Inta badan dilalka ka dhaca Magaalada Baladweyne ayaa waxaa fuliya dagaalamayaasha Al-shabaab oo looga bartay dilalka noocaan ah, inkastoo aysan sheegan dilka Caawa ka dhacay Baladweyne.