Wararka Idacada dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka helayso degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi goordhow uu ka dhacay dil.
Dilkaan ayaa la sheegay in uu ka dhacay Dabakaayo-madow isla markaana askar ka tirsaan ciidamada dowladdu ay toogteen nin qaad ku weday Mooto Bajaaj,sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah halkaasna uu ku geeriyooday wadahaas Mootada.
Goobjoigayaal ayaa sidoo kale waxa ay sheegwen in Askarto ay doonayeen in ay boobaan Qaadka isla markaana uu ninkaan iska diiday,muran kadibna ay rasaas huwiyeen.
Xaaladda ayaa ah haatan mid degan waxaana goobta ka baxsaday askartii dilka geysatay,dhowr jeer ayay dhaceen dhacdooyin sidaan oo kale ah oo lagu dilay dadka ka ganacsada Qaadka.