Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku toogay Ruux Shacab ah.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in uu dilka ka dhacay Nawaaxiga Shirkadda Xawaaladda Tawakal ee ku leedahay Suuqa Bakaaraha,isla markaana uu ka dhacay salaadii Casir kadib.
Ruuxa la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cusmaan Maxamuud,kaasi oo ka tirsanaa Madaxda Shirkadd Isgaarsiinta Hormuud,waxaana durbo goobta ka baxsaday ragii ka dambeeyay dilka.
Sidoo kale goobta uu falkan ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya kuwa Boolisa,waxaana halkaasi ay bilaabeen baaritaano ku aadan sida uu ku dhacay dilkan.
Ciidamada Ammaanka dowlada Soomaaliya kuwa Boolisa ayaa amniga Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho aad u adkeeyay Maalmihii la soo dhaafay.