War Goordhow soo gaaray Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegayaa in Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka lagu dilay Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
Dilkaan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay kasoo horjeedka Rugsan Mall, isla markaana waxaa sheegay inay geysteen rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ragii dambeeyay dilkaas Goobta ay ugu baxsadeen Mooto Bajaaj, waxaana halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa goobta uu falka ka dhacay laga qaaday Meydka Askarigii ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka, waxaana xiliga la dilaayay uu ku sugnaa halkaas.