Kooxo ku hubeysan bustoolado ayaa Goordhow waxa ay xaafada koodka ee degmada Xamarweyne ku dileen nin ka mid ah dadka Xaafadaas.
Ninka la dilay ayaa dadka deegaanka waxa ay Magaciisa ku sheegeen Muuse Mackow,waxana la sheegay in uu ahaa Ninka Ganacsada Tufaaxa iyo Muuska kana soo qaata Ciidamada AMISOM.
Dadkii ka dambeeyay dilkaas ayaa goobta ka baxsaday,waxaana hadda baaritaano ka wada ciidamo ka tirsan dowladda oo Goobta gaaray.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com