Wararka Idacada dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka helayso degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in halkaas goordhow uu ka dhacay dil.
Dilkaan ayaa loo geystay Askari ka tirsan ciidamaka Canshuuraha ee ka howlgala degmadaas waxaana dilka geystay kooxo ku hubaysnaa Baastoolado sida dadka deegaanku ay u xaqiijiyeen dalsan.
Dhinaca kalana kooxihii dilka geystay ayaa goobta iskaga baxsaday iyada oo Meydka askariga ciidamo goobta ka Ag dhawaa ay soo qaadeen,mana jirto cid ka tirsan maamulka Afgooye oo ka hadashay dilkaan.