Wararka laga helayo duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaas Goordhow lagu dilay Nin kamid ahaa dadka deegaanka.
Dilkaan ayaa waxaa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Xanan-buure oo dhaca duleedka Magaalada Dhuusamareeb,isla markaana waxaa geystay ruux ku hubeynaa qori AK-47.
Wariyaha Warbaahinta Dalsan ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in Ninka dilka geystay horay loogu geystay fal dhaawac ah,kaddib markii lagu dhuftay Toorey.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Ninkaas dilka geystay uu ka aargoostay Ninkii horay Tooreyda ugu dhiftay Wiil isaga la dhashay.
Goobta uu dilka Maanta ka dhacay ayaa waxaa si deg deg ah uga baxsaday Ninkii ka dambeeyay falkaas.
Inta baban deegaanada Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka dhaca dilal ku saleysan Aanooyinka Qabiil iyo kuwa aargoosiga ah.